Sargaal Ciidan oo la dilay kadibna Meydkiisa la gubay iyo Xiisad ka dhalatay

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay in ay dileen kadibna meydkiisa gubeen sargaal katirsanaa ciidamada Kuuriyada Koonfureed sida lagu shaaciyay war kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Koonfureed.

Dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in sargaalka la dilay kadibna meydkiisa la gubay uu ka lumay doon roondo ku jirtay oo mareysay meel u dhaw xadka ay wadaagaan labada Kuuriya.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in toogasho ku dileen  sargaalkan kadibna jirkiisa ku shubeen aashito iyagoona ugu dambeyn dab qabadsiiyay sida ay shaacisay Kuuriyada Koonfureed.

Wasaarada Gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Sarkaalka la dilay oo la shaqeynayay waaxda kalluumeysiga ka lumay doon roondo ka sameyneysay meel ilaa 10km u jirta xadka waqooyiga Kuuriyada.

Sargaalka la dilay ayaa ahaa aabe ay u joogeen labo caruur ah, waxaana dilkiisa si weyn uga carooday shacabka Kuuriyada Koonfureed oo ugu baaqay dowlada in ay jawaab ka bixiso dilkan .

Labada Kuuriyada ayaa in mudo ah waxa u dhaxeeyay xiisad colaadeed oo aad u qoto dheer , waxa ayna labada dal inta badan hawada isku mariyaan eedeemo iyo sidoo kale hanjabaadyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -